Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horeysey faahfaahin ka bixisay diyaarado nooca dagaalka ah oo maalmihii la…

Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horeysey faahfaahin ka bixisay diyaarado nooca dagaalka ah oo maalmihii la soo dhaafay ku biiray hawlgalka ka dhanka ah nabaddiidka ee ka socda buuraleeyda Cal-miskaad.
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in diyaaradahaan oo ah nooca dagaalka ay soo iibsatay dowladda Puntland si ay qayb uga noqdaan hawlgallada socda.
Wasiirka ayaa sheegay in diyaaradahaan waajibkoodu yahay fulinta hawlgallada duqaymaha, daabulka ciidamada, qaadista sahayda ciidamada, sahanka goobaha dagaalka iyo qaadista dhaawacyada.