Puntland oo ka hadashay duqaymo ka dhacay buuraleeyda Cal-miskaad.

Ciidanka difaaca dowladda Puntland oo taageero ka helay saaxiibada Imaaraadka iyo Sucuudiga ayaa weli duqaymo xooggan…

24 January, 2026

Ciidanka difaaca dowladda Puntland oo taageero ka helay saaxiibada Imaaraadka iyo Sucuudiga ayaa weli duqaymo xooggan ka wada buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari, oo ay ku dhuumalaysanayaan malayshiyaad katirsan firxadka Daacish.

Qoraal ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu tobaadkii la soo dhaafay duqaymo culculus ka fuliyey buuraleeyda Cal-miskaad, waxaana ugu dambeeyey mid Khamiistii ka dhacday agagaarka ceelka Bukuuje ee togga Baalade.

“Duqeymo ay fullinayaan saaxiibada dowladda Puntland ee Maraykanka ee taageeraya howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa lagu beegsaday todobaadkan xirxadka argagixisada Daacish, kuwii u danbeeyay waxay 24- saac kahor ka dhaceen aaga ceelka Bukuuje ee togga Baalade, Calmiskaad”, Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hawlgalka Hillaac.

Bayaanka hawlgalka Hillaac ayaa ugu dambayntii lagu sheegay in,“Duqeymaha cirka iyo go’doonka ay ciidankeennu dhulka ka geliyeen firxadka argagixisada, waxay noqdeen firxadkii wax la dilay, wax lagu dabo jiro iyo kuwo isi soo dhiiba. Howlgalkuna waa soconaya inta firxadka u danbeeya lasoo afjarayo.”