Taliska ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Cal-miskaad,…

Taliska ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Cal-miskaad, dhaqdhaqaaqyada kooxda Daacish iyo duqaymo diyaaradaha dalal shisheeye ka fuliyeen Miiraale.
Afhayeenka hawlgalka Hillaac Gen. Maxamuud Faadhigo ayaa waraysi gaar ah oo uu bixiyey ku sheegay inay jiraan firxad katirsan Daacish oo si dhuumaalaysi ah ugu jira deegaamo katirsan Cal-miskaad ayna ciidamadu ku raad joogaan.
“Sida aad la socotaan niman firxad ah oo 4 am 5 ah ayey maalinba ciidanka meel iska helaayaan markii lays arkana dagaal ayaa dhaca khasaarena waa la gaarsiiyaa, maalmahaan dhawr meelood ayaa ciidanka baadi goobaya isku heleen”, Ayuu yiri Gen. Maxamuud Faadhigo.
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay,”Waxaa kale oo diyaaradaha saaxiibada Maraykanku ay duqaymo culus la beegsadeen goobo sahanku muujiyey inay ku dhuumaalaysanayaan welina waxaa socda xaqiijinta khasaaraha soo gaarey.”



