Dowladda Puntland ayaa ka hadashay kalluunka noociisa loo yaqaan Homboro (Dolphins) kusoo caaryey xeebta magaalada Boosaaso, gaar ahaan inta u dhexeysa agagaarka dekedda Boosaaso ilaa xeebta Mareero.

Kalluunkan galabta soo caaryey oo aan tiradiisa rasmiga ah aan la sheegi karin, balse dadka degaanka ayaa ku qiyaasay in tirada kalluunka ay ku dhowdahay ilaa boqol.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayey kaga hadashay Homboborada kusoo caariday xeebta magaalada Boosaaso.
“WAR – SAXAAFADEED
Boosaaso: 23 January 2025: Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland waxay hawlgalisay khuburada culuumta iyo noolaha badda oo ay kamid yihiin saynisyahanadda Jaamacadda Bariga Afrika iyo Jaamacadda Citycote ee Boosaaso.
Sidoo kale, waxaa hawshaan ka qayb qaadan doona Wasaaradda Deegaanka iyo Isebedelka Cimilada Dowladda Puntland.
DIGNIIN: Fadlan yaan la cunin kalluunkan maadaama ay ku badan yihiin maadooyinka: Mercury iyo PCBs (Polychlorinated Biphenyls).”