Wasaaradda deegaanka xukuumadda Puntland ayaa war saxaafadeed ka soo saartay shaqaaqo sababtay khasaare nafeed oo ka…

Wasaaradda deegaanka xukuumadda Puntland ayaa war saxaafadeed ka soo saartay shaqaaqo sababtay khasaare nafeed oo ka dhacday degmada Baargaal ee gobolka Raas-casayr, taasi oo salka ku haysay khilaaf la xiriira shidista dhuxusha.
Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimiladda waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehelada iyo qoysaska dadkii ku dhintay shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Qorraxaad ee degmada Baargaal. Ilaahay ha u naxariisto dhammaan intii geeriyootay, samir iyo iimaan ha ka siiyo eheladoodii, caafimaadna ha siiyo intii ku dhaawacantay.
Wasaaraddu waxa ay si cad u cambaaraynaysaa gacan-ka-hadalka salka ku haya dhuxul gubista iyo khilaafka la xiriira isticmaalka kheyraadka dabiiciga ah. Waxa ay ku boorrinaysaa beelaha walaalaha ah in ay colaadda joojiyaan, kuna beddelaan wadahadal iyo isu-tanaasul. Ilaalinta deegaanka waa masuuliyad guud oo wada saaran dhammaan bulshada, waana lagama maarmaan in si nabad ah loo xalliyo khilaafaadka la xiriira deegaanka.
Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa odayaasha dhaqanka, maamulka degmada, culimada, iyo qaybaha kale ee bulshada in ay si degdeg ah u bilaabaan dadaallo nabadeed oo horseeda xal waara.



