Puntland oo ka hadashay wararka sheegaya in Cabdulqaadir Mumin ka cararay Cal-miskaad.

16 June, 2025

Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay wararka sheegaya in hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Somalia Cabdulqaadir…

Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay wararka sheegaya in hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Somalia Cabdulqaadir Muumin uu ka baxsaday Buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Afhayeenka hawlgalka Hillaac ee Puntland Gen. Maxamuud Faadhigo ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay inay baaritaan rasmi ah ku wadaan kiiska baxsadka Cabdulqaadir Muumin, xogta la xiriira inuu dagaalka kahor ku sugnaa Galbeedka Afrika iyo arrimo kale.

“Nimankii hawsha watay mar haddii ay jabeen waa la malaynayaa in ninkaasi uu goor uun cararaayo, imbadan oo kamid ah nimankii Soomaalid ahaa waa isa soo dhiibeen, intii hartayna waxay noqdeen mid dhintay iyo mid cararay, laakiin waa la baarayaa xogta ninkaasi”, Ayuu yiri Gen. Faadhigo.

Ugu dambayn afhayeenka ayaa sheegay in lagalay wajigii 4aad ee hawlgalka qorshuhuna yahay inaysan Daacish xitaa firxad yeelan laguna hareereeyo oo lagu laayo godadka ay ku dhuumaalaysanayaan.

Waraysi