Xukuumadda Puntland ayaa markale ku celisey in deegaamadeeda ay ku dhufatay abaar aad u baahsan oo…

Xukuumadda Puntland ayaa markale ku celisey in deegaamadeeda ay ku dhufatay abaar aad u baahsan oo saamayn xooggan ku yeelatay dadka, duunyada iyo dhammaan noolihii kale.
Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Puntland Ubax Cabdirashiid Maxamed oo warbaahinta kula hadashay magaalada Garoowe ayaa shaaca ka qaadday in deegaamada Puntland aysan roob tanaad ah helin muddo 4 xilli roobaad ah.
“Puntland hadda waxay kujirtaa xaalad abaar ah oo aad u adag maadaama aysan muddo 4 xilli roobaad ah helin roob ku filan, dhammaan deegaamada Puntland waxay wajaheen xaalad adag oo saamaysay dadkii, duunyadii iyo dhinac walba”, Ayey tiri Wasiirad Ubax.
Ugu dambayntiina wasiiradda ayaa ugu baaqday shacabka reer Puntland, hay’adaha iyo dowladda iyo kuwa caalamiga ah inay iska kaashadaan sidii loogu gurman lahaa dadweynaha ay abaartu saamaysay.



