Puntland oo ka hadashay xaaladda Koonfur Galbeed.

21 March, 2026

Madaxtooyada Puntland ayaa markii ugu horreysey ka hadashay xaaladda siyaasadeed ee deegaamada maamulka Koonfur Galbeed Somalia…

Madaxtooyada Puntland ayaa markii ugu horreysey ka hadashay xaaladda siyaasadeed ee deegaamada maamulka Koonfur Galbeed Somalia iyo xiisadda kala dhexaysay madaxda dowladda federalka ah ee Somalia.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Nuur oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa ku eedeeyey dowladda Somalia inay abaabul colaadeed ka waddo deegaamada Koonfur Galbeed aysanna waxba ka baran dagaaladii horay uga dhacay Jubbaland gaar ahaan Raaskambooni.

“Waxaa nasiib darro ah in Madaxweynuhu mar labaad dalka qaybo kamid ah dhiilo colaadeed ka abaabulayo oo aan waxba laga baran Raaskambooni, waxaana shacabka ugu baaqaynaa inay isku duubnidooda ilaashadaan”, Ayuu yiri Wasiirku.

Ugu dambayna, wasiirka ayaa yiri,”Sida uu qabo dastuurka Koonfur Galbeed waa inay qabsadaan doorashooyinkooda si madax-banaan, dowladda Somalia aysan carqaladayn dadkaasi, waxaa nasiib darro ah in dhawr iyo toban wasiir iscasilaan waxayna muujinaysaa inay dowladnimaduu dadku ka niyad jabeen.”