Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay qalalaasaha dhimashada sababay ee ka taagan Magaalada Boorama oo…

Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay qalalaasaha dhimashada sababay ee ka taagan Magaalada Boorama oo ay ka arrimiso xukuumadda Somaliland.
Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdinuur oo qoraal ku daabacay bartiisa FB ayaa ugu baaqay shacabka iyo maamulka Somaliland in la joojiyo xiisadda Boorama lagana waantoobo waxkasta oo sababi kara dhiig daata.
“Bulshada reer Awdal, guud ahaan shacabka iyo dowladda Somaliland waxaan ugu baaqayaaa in tabasho kasta oo jirta lagu abaaro oo lagu xaliyo wadahal. Xajista nabadii iyo xasiloonidii aad ku caano maasheen”, Ayuu yiri wasiir Cabdifataax Maxamed Nuur.
Dhanka kalena, Wasiirka oo ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay xiisadda Boorama ayaaa bogaadiyay dadaallada lagu doonayo in lagu dajiyo xaaladda magaaladaas ee ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo xukuumadda Madaxweyne Cirro.
“Waxaan ka tacsiyeenayaa intii ku nafwaysay iyo intii ku dhaawacantay shaqaaqooyin ka dhacay Boorama. Waxaan bogaadinayaa dhamaan dadaaladda lagu dajinayo xaaladda”, Ayuu yiri markale Wasiir Cabdifataax Maxamed Nuur.



