Puntland oo ka hadashay Xirfadle caafimaad oo lagu afduubtay gobolka Mudug.

23 April, 2026

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa si adag uga hadashay afduub ay Magaalada Galkacyo kooxo hubaysani ugu geysteen…

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa si adag uga hadashay afduub ay Magaalada Galkacyo kooxo hubaysani ugu geysteen Dr Faarax Cabdi Maxamed oo katirsanaa hay’adda MSF ee ka hawlgasha gobolka Mudug.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa lagu sheegay in Dr. Faarax Cabdi Maxamed ahaa xirfadle caafimaad oo muddo dheer u adeegayay bulshada, islamarkaana falka lagula kacay yahay mid ka baxsan bini’aadantinimada iyo xeerarka bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa ka dalbatay maamulka gobolka iyo hay’adaha ammaanka gobolka Mudug inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah oo wax looga qabanayo badbaadinta samafalahaan ku hawlanaa badbaadinta bulshada gobolka.