Puntland ayaa markii ugu horreysey ka hadashay go’aankii maamulka Yuhuuddu dhawaan dowlad madax banaan ugu aqoonsaday…

Puntland ayaa markii ugu horreysey ka hadashay go’aankii maamulka Yuhuuddu dhawaan dowlad madax banaan ugu aqoonsaday maamulka Somaliland ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia.
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in Puntland ay ku taagan tahay mabaadii aasaasi ah oo lagu aasaasay ayna sugayso inta laga helayo dowlad ka shaqaynaysa midnimo Soomaaliyeed, isagoo xusay inaysan taageersanayn kala googo’a Somalia haseyeeshee ay arrintaasi ku timid danaysiga madaxtooyada dalka.
“Gumeystayaashii reer Yurub, qabiilna qabiil wax uguma darin, Isaaq intiisa ayuu lahaa, Awdal gaarkeeda ayey ahayd, Warsangeli Saldano ayuu ahaa, Dhulbahantena halkiisa ayuu joogey, calankaas buluugga ah ayaa xirnimada lagu qaatay”, Ayuu yiri Wasiir Dirir.
Dhanka kalena, Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland aysan lahayn xuduud haddii ay go’ayaanna ay yihiin qabiil deggan hal gobol iyo degmooyin dhawr ah,”qabiil-qabiil wax loogu dhiibey ma jirin, calan Somaliland ahna ma jirin, hadday Isaaq ay go’aan intooda ayey la go’aan oo ah Woqooyi-galbeed, qayb Togdheer ah & qayb-yar oo Sanaag ah, Ceerigaabo guryaha iskuma dhisna waa shan beelood; Isaaq, Warsangeli, Dhulbahante & Majeerteen.”



