Puntland oo ka tacsiyeysay geerida Gen. Maxamed Cali Abokor.

6 March, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaah ha u naxariistee Gen. Maxamed…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaah ha u naxariistee Gen. Maxamed Cali Abokor, oo habeenimadii xalay ku geeriyooday Garoowe ee caasimadda Puntland.

“Allaah ha u naxariisto Gen. Maxamed Cali Abokor oo geeriyooday, wuxuu ahaa Sarkaal xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu qeyb weyn ka qaatay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Puntland.

Wuxuu ahaa masuul wax badan usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, geeridiisa waxaa uga tacsiyeeynaya dhammaan ummada Soomaaliyeed, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday, marxuumka Allaah janadii ha geeyo dhammaanteenna samir iyo iimaan Allaah ha inaga siiyo , Aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

AUN Gen. Abokor ayaa ahaa sarkaal xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya, sidoo kale wuxuu door muhiim ah ka qaatay dib u dhiska ciidamada Puntland iyo guud ahaan ciidamada Soomaaliyeed.