Puntland oo ka wada hadlay xaaladda ammaan ee Magaalada Galkacyo.

Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay Madaxtooyada…

28 July, 2026

Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay Madaxtooyada Puntland ee Gobolka Mudug, iyaga oo diiradda saaray xoojinta amniga, nabadda iyo iskaashiga u dhexeeya labada maamul. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta amni ee ka dhaxeysa labada dhinac.

Kulanka waxaa shir guddoomiyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, waxaana barbar socday Wasiirka Amniga Galmudug, Aadan Warsame Cilmi. Waxa kale oo kulanka ka qeyb galay masuuliyiin ka kala socday heer Wasiir, heer Gobol iyo heer Degmo, kuwaas oo ka wada hadlay xaaladda guud ee amniga Gobolka Mudug.

Masuuliyiintu waxay isla garteen in la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga, si looga hortago caqabadaha jira loona xaqiijiyo xasillooni iyo nabad waarta oo ay bulshada labada dhinac ku wada noolaato. Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-xiriirka joogtada ah iyo isdhaafsiga xogaha amniga.