Madaxtooyada Puntland ayaa shaaca ka qaadday in Villa Somalia muddada xil-haynta ee u dhimman juhdi dheeraad…

Madaxtooyada Puntland ayaa shaaca ka qaadday in Villa Somalia muddada xil-haynta ee u dhimman juhdi dheeraad ah gelin doonto burburinta iyo dhibaataynta guud ahaan deegaamada Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ka hadlayey kulan ka dhacay Garoowe ayaa ugu baaqay madaxda iyo shacabka Puntland inay dhiiranaan dheeraad ah yeeshaan.
“Xasan boqol & tobanka habeen ee u hartay wuxuu ka shaqaynayaa tan inuu burburiyo, marka waxaan u baahanahay inaan difaacano weliba ogaada sanadkii dhaweyd dagaalkii Daacish ayaan ku mashquulaye sanadkaan xoog baan u soo jeednaa”, Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor.
Dhanka kalena, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa digniin u diray Mas’uuliyiinta dowladda ee aan xilkooda u gudan sida ugu habboon, wuxuuse sheegay inaan qofna reer ama xilkiisa lagu beegsan doonin haddii uu ka soo boxo xilkiisa.
“Intaa waxaa la yiraahdaa Madaxtooyada iskushaandhayn baa ka soo socota, war ciddii fiican taaban mayno qofkii shaqaynaya wax loo taabtaa ma jirto cidna reer loo saari maayo laakiin qofkii aan shaqaynayn maxaa diidaya mid ka karti badan in la keeno”, Ayuu yiri Madaxweyne Lugatoor.



