Xukuumadda Puntland ayaa walaac xooggan ka muujisay in Adeegyada Dowladda Soomaaliya gaar ahaanna Gargaarka lagu xidho…

Xukuumadda Puntland ayaa walaac xooggan ka muujisay in Adeegyada Dowladda Soomaaliya gaar ahaanna Gargaarka lagu xidho qaadashada ay bixiso Hay’adda NIRA ee dowladda Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda gargaarka xukuumadda Puntland ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka ay qaadayso Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ay sii adkaynayaan xaaladda ayna siyaasadaynayso adeegyadii bulshada.
Dhawaan ayaa RW xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre faray hey’adaha DFS in aysan adeeg gaarsiin cid aan qaadan aqoonsiga NIRA oo ay horay u diidey xukuumadda Puntland.
