Puntland oo ka walaacsan tahriibka dhalinyarada & heshiis Madaxweyne Xasan Sheekh Saxiixay.

16 May, 2025

Madaxda ugu sarraysa Puntland ayaa markale ku celiyey in qulqulka iyo tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed uu yahay…

Madaxda ugu sarraysa Puntland ayaa markale ku celiyey in qulqulka iyo tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed uu yahay Masiibo qaran oo u baahan waxka qabasho iyo qorshe qaran oo lagu joojinayo.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ka hadlay xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegay in maalin walba uu qaabilo waalidiin carruurtoodii tahriibeen oo aan awoodin inay bixiyaan dhaqaalaha madaxfurashada looga hadlayo.

“Waxaan maalin kasta la kulanaa qoysas 2,3,4 ilmo ka tahriibeen aanna tabar u lahayn inay badbaadiyaan, waxaa naxdin ugu filan awlaadda in waalidkood oo aan tabar dhaqaale hayn inay ka walwalayaan”, Ayuu yiri Lugatoor.

“Maraykan waa la socotaan Trump wuxuu soo masaafurinayaa cid walba oo bilaa sharci ah, Yurubna Madaxweyne Xasan wuxuu saxiixay in dadka bilaa sharciga ah la soo celiyo iskadaa kuwa cusub oo ay qaabilaane”, Ayuu yiri markale.