Puntland ayaa ku dhawaaqday inay wajahayso xaalad abaareed oo aad u daran xilli ay saadaashu sheegayso…

Puntland ayaa ku dhawaaqday inay wajahayso xaalad abaareed oo aad u daran xilli ay saadaashu sheegayso inay yaryihiin roobabka gu’ga ee la filayo inay ka da’aan deegaamadaadeeda.
Xarunta Maaraynka Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyey in la saadaalinayo in wixii ka dambeeya 10 April ay curtaan roobabkii gu’ga ee deegaamada Puntland lana soo maray dibu-dhac xilligii ay horay u di’ijireen ah.
Agaasimaha Xarunta Maaraynka Khayraadka Biyaha iyo dhulka Puntland Cabdinuur Cali Jaamac oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in filashadu tahay in la helo roobab ka yar intii hore loona baahan yahay in shacabku sameeyaan kayd isugu jira, Sahay, biyo iyo baadka xoolaha.
“Filashada guud waxaa la saadaalinayaa in roobabku xaddi ahaan intii awal la heli jirey wax kayar in la helo ayaa la rajaynayaa, waana mid saamayn karta xoola dhaqatada iyo dhammaan dadka nugul ee roobabka ku tiirsan, waxaan bulshada kula talinaynaa xilli roobaadku markuu bilowdo in biyaha la tarshiilo, baadka iyo sahaydana la kaydsado si xilliga xagaaga ay dib ugu isticmaalaan”, Ayuu yiri agaasime Cabdinuur.