Puntland oo Kastam cusub ka furatay garoonka diyaaradaha Garoowe.

2 days ago

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Axmed Maxamed Bulxan,…

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Axmed Maxamed Bulxan, ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray dhismaha cusub ee Kastamka Garoonka Diyaaradaha General Maxamed Abshir ee magaalada Garowe.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha General Maxamed Abshir, Xisaabiyaha Gobolka Nugaal, Agaasime Ku-xigeenka Kastamada, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu horreyn, Xisaabiyaha Gobolka Nugaal, Mukhtaar Cabdi Faarax ayaa madaxda Wasaaradda uga mahadceliyey hirgelinta dhismahan cusub, isagoo xusay in xaruntani ay wax weyn kusoo kordhin doonto adeegyada Garoonka Diyaaradaha, gaar ahaan dhinacyada kororka dakhliga iyo tayeynta adeegyada shacabka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle, ayaa isna tilmaamay in dhismahan cusub uu ka kooban yahay hool kayd ah iyo xafiisyo shaqo oo loogu talagalay shaqaalaha Kastamka. Wuxuu sheegay in xaruntani ay qeyb ka tahay qorshaha Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha shaqo iyo casriyeynta adeegyada maaliyadeed.

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, oo ku hadlayay afka madaxda Wasaaradda, ayaa sheegay in dhismahani uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo Wasaaradda Maaliyadda. Wuxuu xusay in xaruntani ay si weyn uga qayb qaadan doonto fududeynta howlaha kastamka iyo kobcinta dakhliga Garoonka Diyaaradaha General Maxamed Abshir.