Xukuumadda Puntland ayaa shaaca ka qaadday inay bilaabayso olole xooggan oo ay kula dagaalamayso guud ahaan…

Xukuumadda Puntland ayaa shaaca ka qaadday inay bilaabayso olole xooggan oo ay kula dagaalamayso guud ahaan kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka dhaca xeebeheeda, xilli siweyn kalluumaysatadu uga cabanayaan jariif baahsan.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda dowladda Puntland ayaa lagu sheegay inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto ajaaniibta iyo Soomaalida la shaqaysa ee habka sharci darrada ah uga kalluumaysanaya xeebaha Puntland.
“Wasaaraddu waxay ay caddeyneysaa in gaadiid (Doonnaya ama Maraakiib), shirkad, hawlwadeen ama wakiil kasta oo lagu helo in ay ku xadgudbeen sharciyada kalluumeysiga Puntland shuruudaha rukhsadaha iyo xeerarka kale ee khuseeya ay la kulmi doonaan tallaabooyin sharci iyo mid maamul oo adag. Tallaabooyinkaas waxaa ka mid noqon kara qabashada gaadiidka (Doonnaya ama Maraakiib), hakinta ama laalidda rukhsadaha, ganaaxyo lacageed, la wareegidda kalluunka ama qalabka sharci-darrada ah, iyo dacwad loo gudbiyo hay’adaha awoodda u leh”, Ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.




