Puntland oo ku dhawaaqday guulo laga gaarey dagaalka argagixisada.

9 January, 2026

Puntland ayaa ku dhawaaqday inay guulo waaweyn ka gaartey dagaalka ay kula jirto kooxaha nabaddiidka ah,…

Puntland ayaa ku dhawaaqday inay guulo waaweyn ka gaartey dagaalka ay kula jirto kooxaha nabaddiidka ah, kadib dagaal ay muddo sanad ah ka waddey buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo ka hadlay nadwo diineed ka dhacday Garoowe ayaa sheegay in Puntland ay ka guulaysatey argagixiso ay dagaal kula jirtey laga soo bilaabo 1992.

“Puntland 1992 dagaalkii aan bilownay ilaa hadda sidii ayaan ula diriraynaa meel allaale meeshay argagixiso joogto janno ayaan ka doonaynaa, buurihii waa lagaga guulaystay baadiistayaashii, meel kasta oo ay joogaan dadka sida qaldan diinta u adeegsada waa ka hawlgelaynaa”, Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xilli ay Puntland diyaar garaw ugu jirto hawlgalka Onkod ee buuraleeyda Cal-madaw looga saarayo malayshiyaadka Alshabaab.