Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa daahfuray qorshe ay Ciidamada Bada Dowladda Puntland ee PMPF …

Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa daahfuray qorshe ay Ciidamada Bada Dowladda Puntland ee PMPF xeebaha Puntland kaga ilaaliyaan doonyaha iyo Maraakiibta ku hawlan kalluumaysiga sharci-darrada ah, kuwa baalmarsan shuruucda kalluumaysiga, jariifka iyo aan bixin cashuuraha dowliga ah ee ku waajibay.
Daahfurka hawlgalkaan oo lagu qabtay dekedda Magaalada Boosaaso ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno katirsan golaha xukuumadda Puntland, Maamulka gobolka Bari, Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland, saraakiil katirsan ciidanka badda Puntland ee PMPF iyo qaar kamid ah iskaashatooyinka kalluumaysatada xeebaha Puntland gaar ahaan kuwa Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Wasiirka Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda dowladda Puntland Maxamed Cabdulqaadir Salax (Doonyaale) ayaa sheegay in qorshahaan laga mira-dhalin doono lagulana dagaalami doono kalluumaysiga sharci-darrada ah iyo fal dembiyeedyada kale ee abaabulan, isagoo xisay in caalamku uu garwaaqsan yahay in Puntland lagu aamini karo ammaanka baddeedda, kadib hawlgallo qorshaysan oo ay ciidamada PMPF ku soo furteen 3 markab oo kooxo burcad-badeed ah kula soo gabbadeen xeebaha Puntland.
Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Axmed Maxamed Bulxan oo ka hadlay Furitaankii daah-furka ayaa Shaqaalaha labada Wasaaradood Mas’uulyiinta gobollada iyo bulshada xeebaha ugu baaqay in ay Ciidamada la shaqeeyaan si ay ugutaan waajibaadkooda shaqo ee dalka. Sidoole kale Mas’uulyiintii kale ee ka qaybgalay daah-furka hawlgalka la dagaalaanka Kaluumaysiga sharci-darrada ayaa cod dheer ku sheegay in si wadajir ah Dawladd iyo Shacaba looga qayb qaato hawlgalkan.
Ugu dambeyntii saraakiisha iyo Ciidamada ayaa amar lagu siiyey in ay xoojiyaan hawlgalka la dagaalaanka Kaluumaysiga sharci-darrada ah ayna sharciga horkeenaan doontii ama markabkii bada soo gala isaga oo aan Dowladda Puntland ka hasan warqada ruqsada ah.




