Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in aan weli la qaadin xirmayntii lagu sameeyey jillaabashada, iibgeynta iyo…

Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in aan weli la qaadin xirmayntii lagu sameeyey jillaabashada, iibgeynta iyo ka ganacsiga Aargoosatada guud ahaan deegaamada Puntland.
Wasiirada Kalluumaysiga iyo deegaanka oo ay weheliyaan Taliyaha ciidanka Booliska Puntland ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay inay weli taagan tahay xayiraaddii jillaabashada aargoosatada guud ahaan xeebaha Puntland.
Mas’uuliyiinta ayaa ku dhawaaqay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidkasta oo isku hawsha jillaabashada aargoosatada, si looga hortago xaaluf iyo dabar go’ ku yimaada noocaan qaaliga ah ee kalluunka.
Go’aanka ka soo baxay dowladda ayaa ku soo beegmaya xilli muddooyinkii dambe kalluumaysatadu cabasho ka muujinayeen xayiraadda la saaray jillaabashada aargoosatada xilli ay xeebaha Puntland ku soo badanayaan doonyaha iyo maraakiibta ku jillaabanaya hanaanka sharic darrada ah.



