Puntland oo ku dhawaaqday inay beerayso in ka badan 1 million oo geed

18 April, 2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa daah-furay todobaadka dhiraynta Puntland oo ay soo qaban…

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa daah-furay todobaadka dhiraynta Puntland oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, ayaa xarunta Wasaaradda Deegaanka ku beeray geedkii u horeeyay ee todobaadka dhireynta Puntland, kaasoo qayb ka ah qorshe lagu beerayo 1,000,000 (hal Milyan) oo geed guud ahaan deegaanada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa khudbadiisa ku muujiyay muhiimadda ay dhir-beeristu u leedahay ka hortagga xaalufka deegaanka, yaraynta saameynta isbeddelka cimilada iyo horumarinta nolosha bulshada, waxaana uu sidoo kale dadweynaha Puntland ku booriyay inay ka qayb qaataan ololaha dhiraynta.

Munaasabadda waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay, Wasiirada Deegaanka, Caafimaadka, Qorshaynta, Xanaanada Xoolaha, Wasiir ku xigeenada Kalluumaysiga iyo Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale.