Puntland oo ku dhawaaqday inay hawlgallo qorshaysan ka bilaabayso Galkacyo.

Galkacyo: Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku dhawaaqay in magaalada Gaalkacyo laga bilaabayo…

10 October, 2026

Galkacyo: Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku dhawaaqay in magaalada Gaalkacyo laga bilaabayo hawlgallo lagu xoojinayo amniga, laguna ilaalinayo nafta iyo hantida shacabka, diiraddana lagu saari doono ka hortagga dhaca habeenkii, la-dagaallanka maandooriyaha iyo wax ka qabashada falalka kale ee amniga lidka ku ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska qaybta ayaa laamaha ammaanka lagu faray inay ku sugnaadaan talisyadooda, kana fogaadaan isticmaalka aan sharciga waafaqsanayn ee hubka, direyska iyo hantida ciidanka, si loo adkeeyo kala dambeynta iyo sugidda amniga magaalada.

Ugu dambayn, Booliska Gobolka Mudug ayaa bulshada Gaalkacyo ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, xogaha la xiriira falalka amni-darradana la wadaagaan, si looga hortago dambiyada loona xaqiijiyo nabadgelyada guud.