Guddiga gurmadka abaaraha ee Puntland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa faahfaahin ka…

Guddiga gurmadka abaaraha ee Puntland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa faahfaahin ka bixiyey heerka abaaraha Puntland iyo tirada gurmadka ee ay u fidiyeen bulshada tabaabalaysan.
Wasiirka gargaarka Puntland Ubax Cabdirashiid Maxamed ayaa ugu horrayn sheegtay in xaaladda abaaraha Puntland ay aad u sarrayso ayna marayso heerka afraad ee xaddiga lagu cabbiro abaaraha ku dhufta caalamka, taasi oo muujinaysa saamaynta xooggan ee ka dhalanaysa.
Wasiirka ayaa sheegtay in guddiga oo ka duulaya dedaalada xukuumadda ee ka jawaabidda abaaraha ay gobolada u kala direen 7 kun oo booyadood, si ay biyo u gaarsiiyaan dadka iyo duunyada aadka u tabaalaysan.



