Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddiisu ay dhawaan qaadan doonto 100…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddiisu ay dhawaan qaadan doonto 100 dhalinyaro ah oo ka mid noqonaya shaqaalaha kala duwan ee dowladda.
Madaxweyne Deni oo xalay kulan la qaatay qaar kamid ah dhalinyarada Magaalada Garoowe ayaa sheegay in dhalinyaradaas lagu xulan doono tartan furan oo caddaalad ah, islamarkaana si isu dheeli tiran looga qaadan doono gobollada Puntland.




