Xukuumadda Puntland ayaa bilaabaysa qorshe lagu horumarinayo ammaanka Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kadib markii cabasho…

Xukuumadda Puntland ayaa bilaabaysa qorshe lagu horumarinayo ammaanka Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kadib markii cabasho muddooyinkii dambe ka soo yeeraysay qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyey furitaanka kal-fadhiga golaha wakiilada ayaa sheegay inay wadaan qorshe cusub oo ammaanka Garoowe lagu xaqiijinayo, isagoo shacabka iyo maamulka degmada ugu yeeray inay u diyaar garoobaan hirgelinta qorshahaasi.
“Waxaan halkaan uga dhawaaqayaa in caasimadda Puntland ee Garoowe laga hirgelinaayo hanaan casriyeysan oo lagu horumarinayo amniga caasimadda lana gaarsiinayo hanaanka dalalka horumaray, haddaba waxaan maamulka iyo shacabka caasimadda ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan hirgelinta qorshahaasi”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Puntland ayaa qorshaynaysa in amniga caasimadda Puntland ee Garoowe lagu wareejiyo qaybo kamid ah ciidamo boolis aqoon yahan ah oo dhawaan tababar ugu soo dhammaaday Magaalada Carmo ee gobolka Bari.




