Puntland oo ku eedaysay DFS inay burcad-badeed ku abuurayso xeebeheeda.

Xukuumadda Puntland ayaa si adag uga jawaabtey eedayn uu u jeediyey wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah…

2 September, 2026

Xukuumadda Puntland ayaa si adag uga jawaabtey eedayn uu u jeediyey wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, oo sheegay inay Puntland taageero siiso kooxaha burcad-badeedda Soomaalida oo uu xusay inay ku soo degaan kuna noolaadaan gudaha Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Farxaan Cali Xirsi, oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Puntland aysan marnaba gabbaad u noqon doonin kooxaha burcad-badeedda ah, isagoo sheegay in dowladda iyo shacabkeeduba dagaal adag la geli doonaan.

“Eedda DFS ee ay ku sheegtay in burcad-badeed ka soo degey xeebaha ay ku nool yihiin berriga Puntland waa haba-yaraatee mid aan waxba kajirin, Puntlandna burcad-badeed gudeheeda kuma noolaan karto kumana noolaan doonto”, Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland Faraxaan Cali Xirsi.

Wasiirka ayaa ku eedeeyey DFS inay doonayso inay gudaha Puntland ku abuurto kooxo burcad-badeed ah si ay dhaqaale uga samayso, sida uu hadalka u dhigay, isagoo xusay inay la socdaan dhaqdhaqaaq walba oo ku aaddan falalka kooxaha burcad-badeedda Soomaalidu ku hawlan yihiin.

“Fiqi waxaan leeyahay sidii aad horay ugu hungowdeen inaad ciidamo federal ah ka samaysaan gudaha Puntland ayeysan haddana idiinku suuroobi doonin inaad Puntland gudeheeda ka samaysaan burcad-badeed, ciidamada Puntland iyo shacabkooduna dagaal xoog leh ayey ku qaadi doonaan, Puntland idiinkama suuroobayso inaad dhaqaale ka samaysaan idinkoo soo maraya burcad-badeed sidii aad horay dhulkii shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho u xaraashteen”, Ayuu yiri Wasiir Xaad.