Dowladda Puntland ayaa markale si adag uga hadashay khilaafyada siyaasadeed ee hareeyey Somalia, doorkeedii dowlad dhiska…

Dowladda Puntland ayaa markale si adag uga hadashay khilaafyada siyaasadeed ee hareeyey Somalia, doorkeedii dowlad dhiska jamhuuriyadda saddexaad ee Somalia & go’aamada ay ka qaadatay wadashaqaynta Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia.
Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa sheegay in Madaxdii hore ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ay qayb weyn ka soo qaateen dibu-dhiska dalka gaar ahaan dowladdii kumeel gaarka ahayd iyo shirarkii kumeel gaarka looga baxay ayna Puntland maal iyo juhdiba ku bixisay in Somalia gaarto meesha ay maanta joogto.
Waxa uu sheegay in Puntland ay go’aansatay inay ku mashquusho daneheeda gaarka ah isla markaana ay caalamka la yeelan doonto cilaaqaad dastuuri ah, isagoo sheegay inay sugayso inta madaxda Soomaaliyeed oo ogol waxqayb federal dalka imaanayaan.




