Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday inay xaq u leedahay ka tashiga aayeheeda siyaasadeed haddii la waayo…

Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday inay xaq u leedahay ka tashiga aayeheeda siyaasadeed haddii la waayo Soomaali heshiis ah iyo dowladnimo Soomaaliyeed oo la jaanqaadaysa dastuurka iyo tiirarka axdiyadii lagu heshiiyey xilliyadii dowlad-dhiska jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya.
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay inuu dhammaaday muddo xileedkii hay’adaha dowladda ayna weli Madaxda dowladda Soomaaliya gelayaan heshiisyo aan sharciyadda waafaqsanayn sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay in dowladdu laashay dastuurkii heshiika lagu ahaa.
Dhanka kalena, Wasiirka ayaa sheegay in Puntland aysan sugi doonin Soomaalida kale haddii ay sii socdaan khilaafyada siyaasadeed lana waayo wax heshiis lagu yahay, Wuxuuna sheegay inaysan Puntland gooni goosad ka hadlin haseyeeshee ay dalkii kala qoqobtay dowladda dhexe ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
“Xaq ayey dadka reer Puntland u lee yihiin inay tashadaan haddii lagu heshiin waayo dowladnimo Soomaaliyeed ama qalalaasuhu daba-dheeraado, haddii wax la wadaagoba aysan oollin sabab ay Puntland isu siiso oo u tiraahdo dowladnimada anagaa keenay ma taallo, cidda goosatayna ma ahan Puntland ee Waa xukuumadda Xamar joogta”, Ayuu yiri Wasiir Caydiid.




