Puntland oo ku goodisey inaysan hoy u noqon doonin kooxo nabaddiid ah.

25 March, 2025

Afhayeenka hawlgalka Hillaac ee Puntland Gen. Maxamuud Faadhigo oo warbaahinta la hadlaya ayaa faahfaahin ka bixiyey…

Afhayeenka hawlgalka Hillaac ee Puntland Gen. Maxamuud Faadhigo oo warbaahinta la hadlaya ayaa faahfaahin ka bixiyey guulaha ay Puntland ka gaadhey cadawga argagixisada iyo kooxaha salka ku haya ururada diimaha laga soo bilaabo 1992.

“1992 dagaal baa ka dhacay Galkacyo ilaa buuraha Saliid, waxaana ka dambeeyey urur diidmeedyo doonayey inay dadka ugu soo gabadaan Islaamka oo dalka qabsadaan, laakiin waa la jebiyey oo midnimo ayaa looga adkaaday”, Ayuu yiri afhayeenka hawlgalka Hillaac Gen. Maxamuud Faadhigo.

Dhanka kalena, Gen. Faadhigo ayaa sheegay in laga guulaystay kooxahaasi lana geeyey ilaa Koonfurta Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in dagaaladii xigey ay ka dheceen Galgala 2010 ilaa xilligaan oo Daacish iyo Alshabaab lagula dagaalamayo labada Cal.

“Dagaaladii xigey waxay Puntland kooxaha nabaddiidka ku jebisey xilligii Madaxweyne Faroole, waxaa xigey jabkii lagu gaarsiiyey Suuj, Garmaal ilaa Garacad ee 2016 dhammaana waxay tusinayaan sida ay reer Puntland aysan hoy ugu noqon cadawga argagixisada”, Ayuu markale yiri Gen. Faadhigo.

Ugu dambayntiina afhayeenka ayaa sheegay in hawlgalka Hillaac ee ka socda Cal-miskaad 90% lagu guulaystey, wuxuuna siweyn ugu ammaanay shacabka Puntland garab istaagga aan kala joogsiga lahayn ee ay siiyeen ciidanka iyo dowladda.