Puntland oo ku hawlan dabar goynta xanuunka Qaaxada.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jaamac Qorsheel ayaa ka qeyb galay munaasabadda ballaaran ee xuska…

29 March, 2026

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jaamac Qorsheel ayaa ka qeyb galay munaasabadda ballaaran ee xuska Maalinta Qaaxada Adduunka (World Tuberculosis 28 March Day 2026), waxaana munaasabadda ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, bahda caafimaadka, ururrada bulshada rayidka ah, ardeyda jaamacadaha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ayaa yiri “ Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxay adkeynaysaa muhiimadda ay leedahay in qof kasta oo leh calaamadaha qaaxada uu si degdeg ah u raadsado adeeg caafimaad, maadaama cudurkan la daweyn karo haddii si waqtigeeda ah loo ogaado. Sidoo kale, wasaaraddu waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo adeegyada baaritaanka iyo daaweynta qaaxada ee guud ahaan Puntland. Ujeeddada munaasabaddan ayaa ahayd kor u qaadidda wacyiga bulshada ee ku aaddan cudurka qaaxada (TB), ka hortaggiisa, ogaanshaha hore iyo helitaanka daaweyn tayo leh. Waxaa sidoo kale lagu iftiimiyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya dowladda, hay’adaha caalamiga ah iyo bulshada si loo xoojiyo dadaallada lagu ciribtirayo cudurkan”.

Sidoo kale Madaxa TB da ee Wasaarada caafimaadka Dr Ali Hassan ayaa yiri “Hal-ku-dhigga sanadkan ee “Yes! We Can End TB” ayaa dhiirrigelinaya in la mideeyo dadaallada, isla markaana la kordhiyo maalgelinta iyo adeegyada caafimaad ee lagu yareynayo faafitaanka qaaxada.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa uga mahadcelinaysaa dhammaan hay’adaha iyo bahda caafimaadka ee ka shaqeeya la dagaallanka qaaxada, waxayna ku boorinaysaa bulshada in ay door firfircoon ka qaataan wacyigelinta iyo ka hortagga cudurkan.