Puntland oo ku hawlan maamul daadejinta deegaamadii Daacish laga xoreeyey.

7 March, 2026

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) ayaa kulamo…

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay bulshada deegaanka Dhaadaar ee gobolka Bari.

Kulamadaan ayaa looga golleeyahay in lagu abuuro madal wadahadal oo u dhaxaysa bulshada iyo wakiillada dowladda, gaar ahaan kadib markii tuulada laga xoreeyay kooxda Daacish, iyadoo diiradda lagu saarayey dib u dhiska wadajirka bulshada iyo aqoonsiga baahiyaha mudnaanta leh ee deegaanka.

Dhanka kalena, kulanka ayaa looga hadlay caqabadaha ka jira deegaanka kadib colaaddii, waxaana la adkeeyay muhiimadda dib u soo celinta kalsoonida, midnimada iyo wada shaqeynta bulshada.

Dhaadaar ayaa kamid ah deegaamadii laga xoreeyey kooxda Daacish sanadkii hore ee 2025, waxaana xukuumadda Puntland sheegtay inay ku hawlan tahay daadejinta maamulka & dibu-dhiska bulshada deegaanka.