Bulshada deegaanka Cawsane ee gobolka Sanaag ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyey saraakiisha hoggaaminaysa ciidamadii…

Bulshada deegaanka Cawsane ee gobolka Sanaag ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyey saraakiisha hoggaaminaysa ciidamadii ka soo dagaalamay buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Sanaag.
Kulanka soo dhaweynta ah oo ay ka qaybgaleen qaar kamid ah isimada dhaqanka gobolka Sanaag, xildhibaano katirsan barlamaanka Puntland, siyaasiyiin, oday dhaqameed, haween iyo dhalinyaro ayaa laga jeediyey khudbado ubadan dhiirigelin iyo mahadcelin.
Saraakiisha hoggaaminaysa ururada ciidamadii ka soo dagaalamay Cal-miskaad xilligaanna u diyaar garoobaya hawlgalka Onkod ee Cal-madaw ayaa dhankooda sheegay inay marwalba heegan ugu jiraan difaaca Puntland iyo soo afmeeridda cadawga ku soo duuley dhulkeeda.



