Taliska ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland ayaa amray in dhamaan ciidamo beeleedyadii ka qayb-gallay dagaalka Cal-miskaad, tababar…

Taliska ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland ayaa amray in dhamaan ciidamo beeleedyadii ka qayb-gallay dagaalka Cal-miskaad, tababar carbin ah loogu xereeyo dugsiga Gen. Giriin ee Magaalada Badhan.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi ayaa lagu faray dhammaan rugaha ay hoostagaan ciidankaasi inay soo xeroodaan, ciddii aan fulinna tallaabo laga qaadi doono.
Tallaabadaan ayaa qayb ka ah tayeynta tababarada ciidamada iyo in lagu daro Payroll-ka dowladda si ay u helaan dhammaan xuquuqaha ciidanka difaaca dowladda Puntland.




