Ciidamo horay ugu biiray DFS maalmihii la soo dhaafayna ku sugnaa deegaanka Kuur-ilaalo ee degmada Rako-raaxo…

Ciidamo horay ugu biiray DFS maalmihii la soo dhaafayna ku sugnaa deegaanka Kuur-ilaalo ee degmada Rako-raaxo ayaa aqbalay inay ka mid noqdaan Ciidanka Difaaca Puntland, kadib waanwaan ay galeen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Bari.
Ciidamadaasi ayaa lagu dari doonaa qaab-dhismeedka rasmiga ah ee ciidanka, waxaana loo marinayaa habraacyada diiwaangelinta, tababarka iyo dib-u-habaynta, si loo waafajiyo nidaamka, anshaxa, habraacyada iyo silsiladda taliska ee Ciidanka Difaaca Puntland.
“Maleeshiyaadkii hubaysnaa ee ku sugnaa deegaanka Kuur-ilaalo ee Degmada Rako-raaxo ayaa aqbalay inay ka mid noqdaan Ciidanka Difaaca Puntland. Ciidamadan ayaa lagu darayaa qaab-dhismeedka rasmiga ah ee Ciidanka, waxaana loo marayaa habraacyada diiwaangelinta, tababarka iyo dib-u-habaynta ciidan, si loo waafajiyo nidaamka, anshaxa, habraacyada iyo silsiladda taliska ee Ciidanka Difaaca“, Ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Puntland.
Dhanka kalena, Puntland ayaa kulliyadda tababarada ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Carmo ku xeraysay ciidamo hore uga tirsanaa PSF, kuwaas oo Puntland kula soo wareegtay xeradii ciidamada PSF ee magaalada Boosaaso, kadib heshiis dhexmaray dowladda iyo saraakiishii hoggaaminaysay.
Ciidamadan ayaa la filayaa in loo sameeyo dib-u-habayn iyo tababar, iyadoo lagu diyaarinayo inay si rasmi ah uga mid noqdaan qaab-dhismeedka Ciidanka Difaaca Puntland, ayna u hoggaansamaan nidaamka iyo silsiladda taliska ee ciidanka.




