Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah ula wareegtey ciidamo beeleedyo ku sugnaa degmada Xarfo ee gobolka…

Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah ula wareegtey ciidamo beeleedyo ku sugnaa degmada Xarfo ee gobolka Mudug iyo deegaamo hoosyimaada, kadib markii waxgaradka beeshu go’aamiyeen inay ka miq noqdaan ciidanka dowladda.
Munaasabad ka dhacday degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa waxgarad iyo Mas’uuliyiin dowladda katirsan kaga dhawaaqeen inay in ka badan 300 oo askari iyo gaadiid dagaal ku wareejiyeen dowladda Puntland.
Waxgaradkii ka hadlay madasha ayaa sheegay in ciidankaani ay u ruuqaansan doonaan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari si ay qayb uga noqdaan hawlgalka ciribtirka Daacish ee Hillaac.



