Puntland oo la wareegtey taliskii ciidamada heer federal ee degmada Carmo.

Dawladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay talis ciidan oo ku yaalla magaalada Carmo…

8 August, 2026

Dawladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay talis ciidan oo ku yaalla magaalada Carmo ee Gobolka Bari, kaas oo ay hore u deggenaayeen maleeshiyaad hubaysan. Dowladda ayaa sheegtay in kooxahaasi ay deegaannada Puntland ka wadeen falal saameyn ku lahaa amniga iyo xasiloonida bulshada.

War-saxaafadeer ka soo baxay taliska booliska Dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in la wareegiddaani ay qayb ka tahay tallaabooyin ay Dawladda Puntland sheegtay inay ku xoojinayso amniga, kala dambeynta iyo awoodda hay’adaha dowliga ah ee deegaannada Puntland.

Dawladda Puntland ayaa sidoo kale farriin u dirtay dhammaan dhinacyada hubaysan, iyadoo ku amartay inay u hoggaansamaan hay’adaha sharciga ah iyo awaamiirta dowladda. La wareegista xaruntan ayaa kusoo beegmaysa xilli Puntland ay waddo tallaabooyin lagu adkeynayo gacan-ku-haynta xarumaha muhiimka ah ee amniga.

Ciidamadii heer federal ee ku sugnaa degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa habeenimadii xalay ka huleelay degmada Carmo, waxaana la xaqiijiyey inay u ruuqaansadeen degmada Xunbays ee gobolka Karkaar.