Puntland oo la wareegtey xeradii Ciidamada PSF ee Magaalada Boosaaso.

Puntland ayaa saaka si rasmi ah ula wareegtay xerada ciidanka PSF ee magaalada Boosaaso, kaddib markii…

6 August, 2026


Puntland ayaa saaka si rasmi ah ula wareegtay xerada ciidanka PSF ee magaalada Boosaaso, kaddib markii saraakiisha ciidamadii halkaasi ku sugnaa ee dhawaan ku biiray Dowladda Federaalka Soomaaliya uu wadahadal dhexmaray xukuumadda Puntland.

Guddi isugu jira heee xukuumadeed, maamulka gobolka Bari iyo saraakiil ciidan ayaa aroornimadii hore ee saaka gaarey xerada, waxaana la xaqjiiyey in ciidamadii ku sugnaa ay si rasmi ah ugu biiri doonaan ciidamada Daraawiishta ee Dowladda Puntlnd.

Dhanka kalena, gaadiid ay lahayeen PSF oo habeenimadii xalay ka baxay magaalada Qardho ayaa habeenimadii xalay la xaqiijiyey inay gaareen degmada Sarmaanyo ee gudaha maamulka Woqooyibari.

Dhanka kale, waxaa la soo wariyey in ciidamadii ku sugnaa xerada Barda-dheere ee magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay u guureen deegaannada uu ka taliyo maamulka Galmudug.

Dhaqdhaaaqyadaan ayaa kusoo beegmaya 24 saac kaddib markii ciidamada Puntland ay dagaal kula wareegeen xerada PSF ee Gaalkacyo, iyagoo muddo laba maalmood ah u qabtay ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya inay go’aan ka gaaraan ku biirista Puntland ama ka bixitaanka deegaannada ay joogaan, xilli ay socdaan wada-hadallo iyo dadaallo ay hormuud ka yihiin odayaasha dhaqanka ee beelaha qaarkood, kuwaas oo lagu doonayo in ciidamadooda dib loogu soo celiyo dhinaca Puntland.