Wasaaradda amniga Puntland ayaa maanta soo saartay War-saxaafadeed ay ku shaacisay qodobo cusub oo lagu xoojinayo…

Wasaaradda amniga Puntland ayaa maanta soo saartay War-saxaafadeed ay ku shaacisay qodobo cusub oo lagu xoojinayo amniga guud ee deegaannada Puntland. Go’aamadan ayaa ka soo baxay shir ay wada yeesheen Wasaaradda Amniga, Guddiga Amniga Puntland iyo qaar ka mid ah wasaaradaha xiriirka la leh arrimaha amniga.
War-saxaafadeedka ayaa lagu mamnuucay in gaadiidka tiknikada ah iyo maleeshiyaad hubaysan ay si sharci-darro ah ugu socdaan gobollada Puntland, waxayna sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata dhaqdhaqaaqyo amniga lid ku ah, iyadoo ciidamada amniga la faray inay si dhow ula socdaan xaaladda.
Sidoo kale, Puntland ayaa mamnuucday in maleeshiyaad lagu abaabulo ama lagu qorto gudaha deegaannadeeda, iyadoo digniin loo diray shaqsiyaadka ku hawlan arrimahaas.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in saraakiisha iyo xubnaha ka tirsan dowladda federaalka ee lagu eedeeyo inay hurinayaan ama taageerayaan qalalaase ka dhan ah Puntland laga mamnuucay inay gudaha u soo galaan deegaannada Puntland. Dowladda Puntland ayaa ku eedaysay qaar ka mid ah mas’uuliyiintaas inay ku lug leeyihiin falal khalkhal gelin kara amniga iyo xasilloonida.




