Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland haatanna kamid ah siyaasiyiinta ku sugan Muqdisho ayaa xukuumadda Puntland ku…

Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland haatanna kamid ah siyaasiyiinta ku sugan Muqdisho ayaa xukuumadda Puntland ku dhaliilay inay ka gaabisay dab-damis la’aanta dekedda Boosaaso, xilli ay sanadihii la soo dhaafay dhawr doomood ku gubteen xeebaha gobolka Bari.
Waxa uu sheegay in doonta Mahbub Muxuyadiin 1421 oo u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed badeecooyinna u siddey Magaalada Boosaaso ay sababsatay dayac dhanka dabdamiska ah oo ku soo wajahay xeebaha Magaalada Boosaaso.
“dhacdadan murugada leh waxay iftiiminaysaa baahida loo qabo in si dhab ah dib loogu eego xaaladda Dekedda Boosaaso, oo muddooyinkii dambe uu curyaamay horumarkeedii. Waa nasiib darro in shirkadda DP World, oo gacanta ku haysa maamulka Dekedda Boosaaso, aysan weli qaban wax shaqo la taaban karo oo wax ka beddela xaaladda jirta”, Ayuu yiri Xasan Shire Abgaal.
Xasan Shire Abgaal ayaa intaasi sii raaciyey, “Dhacdadan waxay si gaar ah u muujisay baahida loo qabo in dib loo eego xaaladda adeegyada gurmadka ee Dekedda Boosaaso, maadaama dab-damis ku filan iyo qalabkii lagu xakamayn lahaa dabka aan goobta la keenin waqtigii loo baahnaa. Dhaliishan waxaa iska leh Dowladda Puntland, oo weli aan qaadin tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo adeegyada gurmadka iyo ammaanka dekedda.”



