Puntland oo lagu eedeeyey inay hoos u dhigtay Maqaamkeeda markii heshiiska lagashay Somaliland

6 October, 2025

Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda Puntland ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan heshiiskii shalay ka…

Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda Puntland ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan heshiiskii shalay ka dhacay magaalada Nairobi, kaas oo dhexmaray maamulada Puntland iyo Somaliland. Qoraalka kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid si toos ah u khilaafaya mabaadi’da iyo himilooyinkii lagu aas-aasay maamulka Puntland, isla markaana uu meel kaga dhacay midnimada dhulka iyo dadka Soomaaliyeed.

Goluhu wuxuu ku tilmaamay heshiiska mid ku xadgudbaya himilada Puntland, gaar ahaan qodobada Dastuurka Puntland ee qeexaya ilaalinta midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in heshiiska lagu sheegay Puntland ay soo dhoweyneyso Somaliland, taasoo ay sheegeen in ay tahay hadal ka hor imaanaya mabda’a aasaasiga ah ee maamulka Puntland lagu dhisay.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in heshiisku uu hoos u dhigayo maqaamka dowladnimo ee Puntland, iyadoo lagu beddelay magaca rasmiga ah ee “Dowladda Puntland” loona qoray “Puntland” oo kaliya. Tani, sida lagu sheegay qoraalka, waa tallaabo dhaawaceysa sumcadda iyo madax-bannaanida maamul ee Puntland, taas oo lagu tilmaamay mid aan marnaba la aqbali karin.

Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in heshiiska lagu sheegay inuu ku saabsan yahay dhinacyada amniga iyo siyaasadda, gaar ahaan iskaashiga ka dhanka ah argagixisada, hase yeeshee uu yahay mid aan sharciyad ku fadhiyin maadaama uusan helin oggolaansho rasmi ah oo ka yimid hay’adaha dastuuriga ah ee Puntland. Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in arrimaha noocan oo kale ah ay u baahan yihiin wadatashi ballaaran oo ay ka qayb qaataan dhammaan qaybaha bulshada.

Dhanka kale, siyaasiyiin caan ah oo kasoo jeeda Puntland iyo maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa si kulul uga falceliyay heshiiska, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay gef siyaasadeed iyo sharciyeed. Waxay sheegeen in aysan jirin xuduud ama xiriir rasmi ah oo labada dhinac ah, ayna tahay arrin lagu dhaawacayo midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.