Qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka Mudug ayaa qaadacay qorshe ay xukuumadda Puntland ku doonayso inay ku…

Qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka Mudug ayaa qaadacay qorshe ay xukuumadda Puntland ku doonayso inay ku dhagax dhigto laamiga isku xiraya degmooyinka Xarfo iyo Galkacyo ee gobolka Mudug.
Siyaasiyiintaan oo ubadan mucaarad ayaa xukuumadda Puntland ku eedeeyey inay doonayso marin habaabin bulsho isla markaana dhagax dhiggaani uu caqabad ku yahay mashruucii ay maamulka dhaqaalihiisa isku haysteen Puntland iyo dowladda federalka ah ee Soomaaliya.
Xildhibaan hore Cali Xasan Daad ayaa waraysi uu bixiyey ku tilmaamay qorshahaasi dhagax-dhig beeneed aysan wax dan ah ugu jirin jidkaasi iyo guud ahaan kaabayaasha horumarinta ee gobolka Mudug.
“Deni Mushaharkii bixin waayay ee Injineeradii Khuburada ahaa ka carareen, Waddo dhisimaysee waxaan codsanaynaa in nalaga daayo dhagax dhiga beenta ah oo dhibaato horseedi kara”. Xildhibaan Hore Cawil Xasan Daad