24 July, 2025
Shacabka kunool deegaamo katirsan gobolka Sanaag ee Puntland ayaa cabasho xooggan ka muujiyey biyo la’aan baahsan,…

Shacabka kunool deegaamo katirsan gobolka Sanaag ee Puntland ayaa cabasho xooggan ka muujiyey biyo la’aan baahsan, kadib markii ay jabeen ceelashii biyaha laga cabbi jirey.
Qaar kamid ah bulshada degmooyinka Hadaaftimo iyo Ceelbuh ayaa sheegay inay jabeen dhammaan ceelashii biyaha laga cabbijirey, taasi oo saamayn ku yeelatay nolosha dadka iyo duuntada.
Maamulada deegaamadaasi iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ugu baaqay xukuumadda Puntland in si deg deg ah dayactir loogu sameeyo ceelashaasi isla markaana biyo dhaamin la gaarsiiyo deegaamada daran.



