Guddiga amniga gobolka Mudug iyo maamulka degmada Gaalkacyo ayaa maanta u yeeray maamulka deegaanka Cagaaran, si…

Guddiga amniga gobolka Mudug iyo maamulka degmada Gaalkacyo ayaa maanta u yeeray maamulka deegaanka Cagaaran, si wax looga waydiiyo shir lagu taageerayey Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda DFS, Xildhibaan Cabdiqafaar Xaange.
Maamulka deegaanka Cagaaran ayaa muddadii shirku socdey lagu canaantay in deegaanka lagu qabtay shirar aysan la socon, xilli ay xukuumadda Somalia dedaal ku bixinayso inay dhaqdhaqaaqyo ka samayso Puntland.
Mas’uuliyiinta deegaanka Cagaaran ee degmada Galkacyo ayaa lagu amray inay iska fogeeyaan iyo inay soo gudbiyaan liiska dadka xiriirka la leh Wasiir, Xaange, haddii kale tallaabo laga qaadayo.
Shir dhawaan ka dhacay Cagaaran ayaa loogu mahadceliyay Wasiir Xaange, ka dib markii uu deegaanka gaar siiyay qalab isboorti iyo agab waxbarasho, sida laga sheegay goobta.




