Puntland oo maamuustay daryeelka dadka la nool xanuunka HIV-AIDS.

1 December, 2025

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa ka qayb galay…

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa ka qayb galay Munaasabadda xuska maalinta AIDS-ka Adduunka,taas oo ujeedkeedu ahaa Wacyigelin bulsho si looga hortaggo cudurka iyo fariimo lala wadaagayo dadka la nool cudurka HIV/AIDS.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland, ayaa boggaadiyay Hay’adda Puntland u qaabilsan ka hortaga AIDS-ka ee PAC oo soo agaasintay kulankan iyo shaqada ay u hayaan bulshada, isagoo ka hadlay muhiimadda ay dadweynaha u leedahay in wacyigalinta la xoojiyo iyo sidoo kale baaritaanka oo kor loo qaado, taasoo ka qayb qaadanaysa xakamayta cudurka.

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay in Dowladdu xoojinayso taageerada Hay’adda PAC iyo horumarinteeda, isagoo dadweynaha ugu baaqay inay si buuxda u garab istaagaan Hay’adda.

Munaasabadda waxa kasoo qayb galay Wasiirada Wasaaradaha bahwadaagta la ah Hay’adda PAC, Ururada Caafimaadka, Hay’addaha Caalamiga ah ee gacanta ka geysta ka hortaga faafida cudurka, iyo masuuliyiin kale.