Xukuumadda Puntland ayaa ugu yeertay qaar kamid ah dalalka caalamka ee ay ka soo jeedaan maxaabiistii…

Xukuumadda Puntland ayaa ugu yeertay qaar kamid ah dalalka caalamka ee ay ka soo jeedaan maxaabiistii lagu qabtay hawlgalka Cal-miskaad inay magdhaw ka bixiyaan dhibkii ka soo gaarey shacabka Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ugu yeeray dalalka Sucuudiga iyo Turkiga inay reer Puntland magdhaw ka siiyaan dhibaatadii ay u geysteen ragga ka soo jeeda ee ku biiray Daacish.
“Argagixiso ka timi Turkey iyo Saudi Arabia ayaa ka mid ah maxaabiista Dagaalka ciribtirka argagixisada calmiskaad lagu qabtay ee ku jira xabsiyada Puntland, dawladohoodu mag dhaw ha ka bixiyeen dhibaatada muwaadiniintoodu u gaysteen Shacabka Puntland”, Ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.
Puntland ayaa soo bandhigtay in ka badan 50 maxaabiis ajaaniib ah oo lagu qabtay dagaaladii ka dhacay buuraleeyda Cal-miskaad iyo kuwa laga soo qabtay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Bari muddadii uu socdey hawlgalka Hillaac.



