Maamulka gobolka iyo taliska qaybta booliska Puntland ee gobolka Sanaag ayaa Badhan ee xarunta gobolkaasi ka…

Maamulka gobolka iyo taliska qaybta booliska Puntland ee gobolka Sanaag ayaa Badhan ee xarunta gobolkaasi ka mamnuucday in hub lagu dhexqaato, xilli looga diyaar garoobayo shirweynaha nabadda beelo walaalo ah oo diriri ku dhexmartay gobolka Sanaag.
Go’aanka oo uu soo saaray Guddiga Amniga gobolka Sanaag ayaa lagu sheegay in amniga magaalada ay si gaar ah u sugi doonaan ciidamo loo xilsaaray hawshaas, halka cid kasta oo kale oo qori lagu arko magaalada loo aqoonsan doono inay jebisay amarka, isla markaana tallaabo laga qaadi doono.
Guddiga Amniga ayaa sidoo kale sheegay in 24-ka saacadood ee soo socda laga bilaabayo magaalada hawlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo dhaqan-gelinta go’aanka, si loo xakameeyo hubka lagu dhexqaato magaalada.




