Puntland oo mamnoocday jillaabashada iyo dhoofinta aargoosatada.

Xukuumadda Puntland ayaa mamnoocday jillaabashada, iibinta iyo dhoofinta dhammaan noocyada kala duwan ee aargoosatada, si fursad…

28 August, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa mamnoocday jillaabashada, iibinta iyo dhoofinta dhammaan noocyada kala duwan ee aargoosatada, si fursad loogu siiyo taranka noolahaan hilibkiisu qaaliga ka yahay dunida.

“Go’aankan ayaa ku qotoma ilaalinta iyo badbaadinta khayraadka dabiiciga ah ee badda Puntland, gaar ahaan Aargoosatada, si loo hubiyo in ay helaan fursad ay ku tarmaan loona sugo waaraanshaha khayraadka kalluumaysiga ee jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka” ayuu u qornaa go’aankan ka soo baxay dowladda Puntland.

“Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan kalluumaystayaasha iyo ganacsatada ku hawlan kalluumaysiga, in ay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarkan iyo xirmaynta lagu dhawaaqay. Waxaa mamnuuc ah kalluumaysiga, iibinta iyo dhoofinta Aargoosatada inta lagu jiro muddada xirmaynta.”

“Waxaa la farayaa hay’adaha amniga iyo masuuliyiinta ku shaqada leh kalluumaysiga iyo deegaanka in ay si adag u fuliyaan go’aankan, ayna tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo ku xadgudubta, dowladda Puntland waxay ku boorrinaysaa muwaadiniinta in ay si wadajir ah uga qaybqaataan ilaalinta khayraadka badda, iyadoo xasuusinaysa in ilaalinta deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ahi ay tahay masuuliyad wadareed”, Ayaa lagu yiri qoraalka.