Ciidamada Difaaca Puntland ee PMPF oo 25-kii Bishan Sep 2026 soo bad-baadiyay M.T SIBU 1/SEAMUL, oo…

Ciidamada Difaaca Puntland ee PMPF oo 25-kii Bishan Sep 2026 soo bad-baadiyay M.T SIBU 1/SEAMUL, oo ku gooshaayey calanka dalka Eritrea kaasi oo kooxo Burcad Badeed ahi af-duubatay ayaa maanta Soo gaarsiiyey Magaalada Boosaaso, halkaas oo ay kormeer ku sameeyeen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Dowladda Puntland.
Taliye Xigeenka Hawlgelinta Ciidamada PMPF, G/Sare Maxamuud Abshir Leewar, ayaa masuuliyiinta Xukuumadda Dowladda Puntland siiyey warbixin ku saabsan xaaladda markabka, shaqaalaha saaran, hantida saaran markabka, badqabka guud iyo xaaladda burcad-badeedda lagu qabtay hawlgalka, kuwaas oo hore loogu wareejiyey laamaha kale ee amniga ee ku shaqada leh.
Taliyaha ayaa sidoo kale xaqiijiyey inanay jirin wax Markab ah oo Badda Puntland ugu af-duuban Burcad Badeed, sidaasi si lamid ahna aanay jiridoonin wax Burcad Badeed Sheegta oo dhulka iyo Badda Puntland kusii sugnaandoona.
Dhankiisa, Kabtan-ka markabka oo hadlay ayaa Dowladda Puntland uga mahadceliyey sida hagar-la’aanta ah ee ay uga hawlgaleen soo furashada markabka iyo shaqaalihiisa, isagoo xusay dadaalka iyo guusha laga gaaray hawlgalka.
Waiirka Amniga Dawladda PL. Ibraahim Cartan Ismail, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda PL. Shaakir Maxamed Guuled iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Puntland Bille Maxamuud Qabowsade ayaa dhankooda faahfaahin guud ka bixiyey hawlgallada ka dhanka ah burcad-badeedda iyo dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasiloonida xeebaha Puntland.
Masuuliyiintu waxay sidoo kale fariin adag u direen cid kasta oo ku lug yeelata falalka burcad-badeednimada, iyagoo caddeeyey in sharciga la horkeeni doono, lana marsiin doono tallaabooyinka sharciga ah ee waafaqsan dambiyada ay galeen.






